Ku soo dhawoow Indra Queer Trans & Tjejjour!

Waxaynu nahay urur taageera dhallinyaro queer ah, transjender iyo/ama hablo. Taageerada laga helo Indra waa dijitaal, shakhsiga in aqoonsado ka bannaan, bilaash ah oo aan saf la is gelinayo lahayn.  

Miyaad tahay qof aan iswiidhishka ku hadlin? Waan ka xunnahay, taageero talobixineed kuma bixinno af aan af-iswiidhish ahayn, iyo mararka qaarkood ingiriisi. Sidaas darteed waxaynu dooneynaa, haddaadba halkaan soo heshay, inaan kugu hagaajinno meelo kale oo aad ka heli karto taageero shuruudahaaga ku suurogaleysa.

Fempowerment

Fempowerment waxaa laga helaa taakulo, taageero iyo talobixin sharciyeed bilaash ah oo loogu talogalay adiga oo ah ama ahaan jiray qof ay xigto gacanqaad u geysatay. Fempowerment waxay caawimo iyo taageero ku bixiyaan af iswiidhish, ingiriisi, carabi, isbaanish, ruush, finish, manadarin, beershi, tigree, faransiis, boolish, gariig, jarmal, urdu/hindi, soomaali, seerbi, kroweeshi, boosni, kurdi, turki iyo bulgaari.

Somaya stödjour

Somaya waa heegan taakulo oo Stockholm ku yaal.  Somaya waxaad raadsan kartaa hadday da’daadu ka weyn tahay 18 jir oo ay xigto kuu xoog sheegatay oo/ama laguu geysaty gacanqaad ama dulmi dhaqan-sharafeed la xiriira. Shaqaalaha Somaya luqado badan ayay ku hadlaan; sida iswiidhish, ingiriisi, carabi, beershi, kurdi, turki, urdu, hindu iyo isbaanish.   

Brottsofferjouren

Brottsofferjouren wuxuu, isagoo ku adeegaya afaf badan oo kala duwan, taageeraa dhibbaneyaal dembi, markhaatiyaal iyo xigto. Iyadoon loo eegin qofka aad tahay ama dembiga lagaa galay. Brottsofferjouren wuxuu ka jiraa Iswiidhan oo dhan.  Brottsofferjouren waxaad la xiriiri kartaa xataa haddii aadan hubin in wixii laguu geystay uu ahaa dembi iyo in kale.

RFSL Stödmottagning

RFSL waxay leedahay waax qaabilaad taageerta dadka LGBTQ-ga ah ee loo geystay handadaad, hanjabaad iyo xoog-sheegad. Taageerada waxaa tusaale ahaan lagu heli karaa wadahadal ah goobjoog, telefoon, fiidiyow ama iimayl. Waxaa lagugu adeegi karaa af iswiidhish, ingiriisi, isbaanish iyo carabi, ama iyadoo turjumaan la adeegsanayo.  

Youmo

Youmo.se waa bog internet leh macluumaad ku saabsan jirka, xiriirro iyo caafimaad.  Waxaad iyana ka akhrisan kartaa xuquuqahaaga, sida aad ku raadsan karto caawimo aad niyadsami ku dareento, iyo sida aad ku heleyso xogta xiriirka ee dhammaan xarumaha qaabilaadda dhallinyarada Iswiidhan. Waxaa halkaas ka jira qoraallo, sawirro iyo filimmo ah af carabi, daari, soomaali, tigree iyo iswiidhish.  

Koll på soc

Bogga internetka ee ”koll på soc” waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan shaqada adeegga bulshada ee carruurta iyo dhallinyarada. Si dhakhso leh oo fudud ayaad ku heli kartaa xogta xiriirka ee adeega bulshada halka aad ku nooshahay. Waxa kale oo jira lambarka Socialjouren (heeganka adeegga bulshada) oo aad wici karto saacadaha shaqada kadib. Warbixinta waxaa lagu heli karaa af carabi, ingiriisi iyo iswiidhish.

1177

1177.se waxaad ka heli kartaa talo ku saabsan caafimaadka iyo warbixin ku saabsan cudurrada iyo xarumaha qaabilaad ee aad la xiriiri karto. Dhammaan dadka jooga Iswiidhan, iyadoon loo eegin inaad mawaadin tahay iyo in kale, waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad. Linkigaan waxaad ka arki kartaa, oo adigoo gujinaya u gudbi kartaa, luqadaha jira ee talo iyo warbixin lagu heli karo.